Saturday, June 8, 2019

 Siirada Rasuulka: Dhalashadii & Barbaarintii Nabigeenna Mohammed SCW

Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.


Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.

Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.

Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday

Thursday, June 6, 2019

The Role Of Youth In The Future Society



A youth is any person between the age of 15 years and 30 years regardless of the gender. Unfortunately, the youth are the backbone of a society and hence they determine the future of any given society. This is because all other age groups, the kids, teenagers, middle aged and the senior citizens rely on the youth and expect a lot from them. This makes the youth to be an important age group in both today's society and the future society than other age groups.Therefore, due to the high dependence on youth in the society, we the youth have a role to play because the future of our families, communities a

Sunday, May 26, 2019

QIIMAHA NOLOSHA QOYSKA

Waxaa dhaqankeena ka maqan guud ahaan qiimaynta nolosha iyo fahamkeeda. Waxaa caadi ah inaan qofka Soomaaliga ah xirfad lahayn, isla markaasna uusan ka wal-walaynin ama uusan ku talagalayn nolosha soo foodsaari karto muddo yar kadib. Dabcan taasi waa dhaqanka miyiga iyo tacliin la’aanta oo isbiirsaday. Waxaa kalle oo ka mid ah, wax yaabaha inagu dhiiri galiyay xirfad la’aanta iyo shaqo la’aanta hantida iyo khayraadka waddanka Soomaaliya oo aad u badan, oo ka badan dadka ku nool dalka Soomaaliya. Taasi waxay keentay in si sahlan loo noolaan karo.

Waxaa badan inaan qorsho loo samaynin arimaha guurka. Wax la yaab leh ma ahan in wiil dhallinyaro ah haween badan guursado oo uu caruur ka dhalo isaga oo aan wax shaqo ah haynin ama aan ku fikirin. Halkaas waxaa wali shaqaynaya dhaqankii miyiga oo aan caruurta tarbiyaddooda iyo tacliintooda midna laga fikirin.

Xaasaska badan oo aan la qorshayn, xagga dhaqaalaha iyo awoodda kalle ee kaliya loo cuskaday faham la aanta diinta oo ah in ninka u banaantahay afar 4 naagood. Aragtida noocaan oo kalle ayaa waxay ka qayb qaadatay bur-burka iyo dhaqan hallawga umadda Soomaliyeed soo food saartay. Waa arin xasaasi ah oo aad nolosha tarbiyadda iyo tacliintaba u saamaysay. Waxay kalle oo saamaysay arintaasi xagga nafsadda xaasaska iyo caruurta laftigooda. Taas oo u soo gudubtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo caadi ka dhigtay. Dhaqanka xaasidnimada, masayrka iyo colaadda. Habe yaraatee wax qorshe ah iyo ku talagal xagga nolosha iyo tarbiyadda ciyaalku ma jiraan. Waxay keentay sidda hadda ummadda Soomaaliyeed tahay.

Qoyska Soomaaliga marna ma halin fursadda ah inuu siiyo ilmihiisa tarbiyad fiican. Maxaa yeelay tarbiyadda fiican waxaa saldhig u ah awood maskaxeed oo aqoon ku xiran iyo awood dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee qoys kasta waxaa dabeeci ah inuu ilmihiisa siiyo tarbiyo iyo tababarid nolosha ku saabsan marba inta awoodiisu la’egtahay. Waxyaabaha laga siman yahay oo qoys kasta oo Soomaali ah uu ku tarbiyeeyo ilmihiisa waxaa ka mid ah:

Cunugu marka ugu horayso wuxuu baranayaa luqada hooyadii iyo waalidkiis, sidda hooyada iyo aabaha. Dabcan, siddoo kale qaraabada kalle ee u dhow.
• Barashada iyo akhrinta quraanka kariimka ah. In cunuga dugsi la geeyo oo quraanka la baro waa lagama maarmaan. Waa waajib. Duruuf kasta oo jirta, dhaqaale daro, gaajo, jiro, wal-wal, wax kasta oo jira, inta badan qoyska Soomaaliga ah, way ka go’antahay inuu cunugiisa quraanka baro. Arrintaas barashada quraanka ku saabsan waa dhaqan aad u xeel dheer oo ay dadku qabsadaan. Waa shaqada kaliya oo aysan Soomaalidu cidkale ku halayn ama aysan ka dalban inay ugu kaalmayso.

Dhammaan dugsiyada quraanka iyo barashada quraanku waa hawl ay Soomaalidu qabteen oo ay iska xilsaareen. Halkaas waxaad ka garanaysaa sidda ay dhab u tahay una xeel dheertahay barashada quraanka Kariim ka ah.

• Waxaa kalle oo dhaqanku cunuga baraa si rasmi ah oo aan la gafi karin qabiilkiisa. Cunug kasta oo Soomaali ah waxaa la baraa qabiilkiisa iyo tafaasiisha qabiilka inta uu u kalla baxo, sidda uu isugu xeran yahay, xiriirka qaraabada iyo xuquuqada isirka, waxaas oo dhan cunuga Soomaaliga ah guriga ayaa laga baraa. Waxaa kalle oo la baraa darajada uu qabiilkiisu leeyahay iyo sidda ay muhiim u tahay inuu difaaco, u qiiroodo, u dhinto, iyo sida guusha qabiilkiisu u tahay isaga guushiisa, guul darada iyo jabka qabiilkiisuna u yahay isaga guul daradiisa iyo dhibaatadiisa. Taasi waa mid Soomaalidu ka simantahay.

Dardaarankaasna waxay u gudbiyaan cunug kasta oo ku soo biira bulshada. Wax qoomiyad la dhaho ama magaca guud ee Soomaaliyeed la dhaho lama baro cunuga mana jiraan qoosaska Soomaalida agtooda. Kaliya waxaa jira qabiilkooda. Waxaa kalle oo la baraa cunuga markii uu reerka ku soo biiro oo uu xoogaa koro cadawga qabiilkiisa kuwaas oo inta badan qabiilada kalle ee Soomaaliyeed ah. Haddii uu dugsigu yahay goobta tacliinta ee ugu muhiimsan dhaqanka Soomaalida, wuxuu u baahnaa ama xaq u lahaa in la hormariyo, laga wada shaqeeyo, kor loo qaado, la saxo, la isugu tago, manhaj loo sameeyo, waalidku ka qayb qaato, dawladu ka qeyb qaadato, illaa uu noqdo mid gudan kara u jeedadii laga lahaa, soona saara dad caafimaad qaba oo bulshada wax ku soo kordhin kara. Nasiib daro arintaasi ma dhicin, dugsigii lama hormarin. Manhaj wax barasho looma samayn, waalidkii siddii loo baahnaa uguma qayb qaadan, waxaa loo daaya macallimiin da’yar, oo aan la hayn aqoon iyo waayo arignimo ku fulin oo ay ku maamulaan dugsi caruur badan dhiganayso. Waxaa dhacay wax badan oo aan loo baahnayn. Wax yaabaha dhacay waxaa ka mid ah, in macallinku u fikiro wixii uu ardayga u sheegi lahaa. Taas oo uu u keeno, marba wixii uu soo maqlo, muxaadaro, nashiido, iyo macluumaad aan munaasab caruurta u tahay. Waxaa dhacay dayac aad u wayn, oo ka qayb qaatay dib-dhaca ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kalle oo dhacday inaan macallinka loo taba barin, siddii uu xilkiisa u gadan lahaa. Wuxuu la macaamalayaa caruur u baahan in nafsaddooda la dhooro, si fiican loo koriyo, si fiican loo tarbiyeeyo. Mar haddii uusan fikrad ka haysan siddii uu ulla macaamali lahaa caruurta, waxaa dhacda in macallinku ku guul daraysto inuu si fiican u tarbiyeeyo caruurta. Inta badan macallimiintu way cadaadiyaan, dilaan, handadaan, ciqaabaan caruurta. Taasi waxay keentay in xiriirka caruurta iyo dugsigu noqdo mid aad u cakiran, oo caruurtu ay ka naxaan marka dugsiga loo diro. Had iyo jeer dhib wayn ayaa kalla haysta hooyooyinka oo ku dhagan barashada quraanka iyo caruurta oo dugsigii iska soo taagay ama ka baqaya macallinka.


Gaar ahaan xilligaan hadda la joogo oo ay caruurtu isticmaalaan wax yaabo badan oo wakhtigooda dhumiya. Sida Tv-ga ispoortiska, ciyaaraha iyo waliba tacliinta kalle ee iskuulka. Xaaladaas oo aan helin cid dib u habaysa ama nidaamin ku samaysa, waxay ka dhigtay dugsiga ciqaabkii ugu darnaa ee ciyaalka soo mara.  Arimahaas aan soo sheegnay oo dhan awgood lama helin muhimmaddii iyo dantii laga lahaa dugsiga oo ahayd inuu soo saaro dad wanaagsan oo Alle caabuda, waalidka xaq dhawra, dariska nabab galiya, si fiican u fikira, dadka kalle jecel. Wax soo saarka dugsigu wuxuu noqday mid aad u tayo yar marmarna keena dhibaatooyin ka badan kuwii uu xallinayay. Arintaasi waxay u baahantahay in dib loo fiiriyo, si deg-deg ahna wax looga qabto. Waxay u baahan tahay in la cintiraafo oo la sharciyeeyo dawrka tacliinta dugsiga quraanka oo la dhamaystiro wixii uu u baahnaa oo dhan, isla markaasna ay xil iska saaraan waalidiinta, siyaasiyiinta, macallimiinta iyo dhamman mujtamaca.

Waxaa kale oo ayaduna dhib wayn noqotay, is waafajinta labada iskuul. Iskuulka nidaamiga ah ee dawladuhu cintiraafsan yihiin iyo iskuulka dhaqanka ah ee mujtamacu cintiraafsan yahay. Taariikhdii wax barashada ee Soomaaliyeed labadaas iskuul isma cintiraafin, ismana tixgelinin. Waxay ku dirrirayeen ardayga iyo wakhtigiisa. Dawladdii iyo xirfaddii shaqadu waxay rabtaa iskuulkaan nidaamiga ah ee la aqoonsanyahay. Diintii iyo dhaqankii iyo waalidkiina wuxuu rabaa iskuulkaan kalle ee quraanka lagu baranayo. Dawladdii iyo waalidiintii way awoodi waayeen inay is waafajiyaan oo ay mushkuladaas xalliyaan. Cid walba horteeda ayey u socotaa dagaalkii labada iskuul wuu daa’imay. Wuxuu noqday joogto. Waxaa noqday dhibanaha rasmiga ah ardayga.

Maalintii oo dhan markii uu jirro Iskuulkii dawlada oo uu goor dambe ka yimaado isaga oo aad u daalan isla markaba waxaa guriga ku sugaya hooyo oo aan kaftamayn. Iskuulka dawladda iyo waxa laga soo barayna aysan u oollin. Markaa ayay cunugii u diraysaa dugsigii quraanka oo uusan xifdin casharkii horre, subaciina sugayo. Natiijadii waxay noqotay tayo xumo labada iskuulba. Inaan midna ardaygii si fiican ugu guulaysan illaa markaasna ardaygii uu qaaday colaad iyo cuduro nafsi ah oo ka dhashay wareerka badan, nasiino la’aanta, ciyaar la’aanta, canaanta badan, culays badan oo labada iskuulba ah. Halkaas ayaa waxaa ka dhashay, xagga seeg xaggana seeg. Da’yar dayacan oo wareertay oo daroogo iyo qaad naf ka raadisay iyo iskuulka oo laga dhaco oo aan lalla tartimi karin ardaydii kalle.

Halkaas waxaa inooga yimid khasaare aad u wayn. Runtii mujtamacu wuxuu ku guul daraystay wax kasta oo ay ka mid tahay dowladnimo, maamul, siyaasad, tarbiyo, tacliin wax kasta. Wax kasta oo ay ugu horayso tacliinta iyo tarbiyadda waxay u baahantahay in dib loo saxo. Sidaas iyadoo ah wali bulsha weynta Soomaaliyeed waa kuwa tacliinta haysto oo ay ugu horeyso diintooda Islaamka..


QALINKII USTAAD BILAAL CISMAAN IIMAAN

1xbet affliate lacag ka samee

https://refpasgqhrwl.top/L?tag=d_1168677m_1573c_&site=1168677&ad=1573