Saturday, September 30, 2017

DUGSI MA LEH QABYAALADI

Gabaygan mid aad u qiimo iyo qadarin badan markii ay timaado. suugaanta soomaaliyeed, waayo waa mid ka hadlaaya xaqiiqda dhabta  ah ee qabyaalada, sharax iyo tusaalooyin wanaagsana ugu filan ruux waliba oo soomaaliyeed kuna jaha wareersan waxa ay qabyaaladi tahay, daneynayana in uu naftiisa u horseedo dariiq ka duwan kan qabyaalada. 
Gabayga waxaa curiyey Illaahay ha u naxariistee Abdullaahi Suldaan Timacade (1967), isagoo tusaalaynaayey soomaalidii joogtay xilligii gobonimada iyo agagaar keeda dawxumada qabyaaladana wuxuu yiri: 

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dixdhagaxeede 
Anuunbaa damqanayee dhaguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala  ah tahay ooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama, iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey 
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane...

Ku xidhnoow blogerkan si aad u hesho aqoon iyo Suugaan...

Thursday, September 28, 2017

AQOONI WAA TUMA? YAA NOQON AQOONYAHAN ?

                     Waxbarashada: waa furaha Nolosha, Aqoon la'aan waa iftiin la'aan waa aqal iyo ileys la'aan . Dhamaan umadaha dunida ku nool

Waxaa aad isu soo taraya waayahaan danbe dareen iyo walaac wayn oo ah in aan Farqi ama kala duwanaasho wayn u dhexeen Aqoonyahanka Somaliyed iyo kuwa aan waxba baran sida dadku aaminsanyahey. Dadku waxey ku taami jireen muddo dheer in haddii umadda ay hogaanka iyo talada u qabtaan heer qaran iyo heer Qoysba kuwa sheegta Aqoonyahanka xal loo heli karo dhibaatooyinka diloodey Bulshada somaliyed kuwaas oo ay ugu horeeyaan maamul xumada, musuq maasuqa, qabyaaladda, eexda, caddaaladda darada, han-yarida, aragti gaabnida iyo fahan yirida sida siyaasadda Dunidu shaqeyso..

                         Maanta markaad fiirisho Bulshada Soomalida gobolka kasta oo ay dagantahey dadka hor-boodaya ama haya meelaha bulshada hal-bowlaha u ah heer kasta iyo gole kasta waxey u badanyihiin dad lagu magacaabo aqoonyahano, balse walaaci iyo dhibaatooyinkii Bulshadu waa sii kordhayaan, wax sii xumaada mooyee wax ka soraayana waa yaryihiin. Hab-dhaqanka Aqoonyahankuna kama duwana haddii uusan ka sii liidan kuwii hore ee Somalidu u taqaaney Aqoon laa-wayaal.

                   Handho macnaha Aqoonyahan iyo Aqoon la iskuma waafaqsana, waxaana jira aragtiyo iyo macnayaal badan oo kala duwan. Laakiin haddaan tusaale u soo qaadano 2 macne ee ugu dhow marka Falsafad ahaan laga hadlayo aqoon, waxaan oran karnaa waa sidaan:.

                                  Aragtida Islaamiga ah

A) Aragtida Islaamiga ah, AQOON waa in qofku yaqaan xiriirka ka dhexeeya Eebe wayne iyo asaga, inuu yaqaan siduu ula dhaqmi lahaa Bulshoyinka kala duwan, inuu yaqaan siduu nolashiisa u maareyn lahaa, isla markaasna uu yaqaan siduu ula fal-gali lahaa deegaanka iyo cimilida ku xeyn-daaban si uu uga faaiideysto kheyraadka isla markaasnba isaga ilaalsho khataraha u wareegsan.

B) Aragtida ay Aaminsanyihiin Bulshoyinka kalana waa intaas hore oo laga reebay xiriirka u dhexeeya Eebe iyo Addoomadiisa. wixii intaas ka soo hara waa la isku waafaqsanyahey, sidii la doono ha loo kala hormariyo erayada ama ha loo qurxiyee.

                        Aqoonta baa si khaldan loo fahmey

Khaladka ugu wayn wuxuu ka jira Aqoonyahan iyo Aqoonta baa si khaldan loo fahmey, Odeyga ama Hooyada Somaliyed ee dhulka miyiga ah xoolaha ku raacata ee taqaan kuna xisaabtanta xilliyada, roobabka, dabeylaha, dhulka deegaanka san, dhirta u roon xoolaha, kuwa wax lagu daweeyo, cudurada ku dhaca xoolaha, oo xatta taqaan NEEFKA xoolaha goorta uu taaho xanuunka haya iyo dawadiisa waa AQOON yahan. Sida oo kale kan BEERTA Fasha iyo kan KALLUNKA dabta oo asaga oo maraya Bad-wayn oo aan haysan GPS ama jiheeya garan kara biyaha uu dul marayo meeysha ay yihiin iyo sidu uga faaiideysan karo iyo dhammaan waxa la xiriira shaqadooda iyo noloshooda waa dad aqoon yahan ah.,,

Odayaashii hore ee Somaliyed ee ku xeel dheeraa xallinta khilaafka, wadaaga khayraadka sida Biyaha iyo Daaqsinta dadkana xukumi jirey ayaga oo aan ciidan Boolis ah iyo Xabsi midna haysan miyaysan aheyn aqoonyhan. Hooyooyinkii sameyn jirey weelasha kala duwan, sameyn jirey qaababka kala duwan ee lagu Keediyo Cuntooyinka ee ka ilaalinaya in cuntada qurunto isla markaasna u sahalaya Cuntada bisil in ay ooli karto in ka badan bilo oo aysan is badalin miyeyan aqoonyahan iyo SAYNIS yahan.

                     Aqooni  shahaado la qaato  oo kaliya mahan

Haddaba Aqoontu xad ma leh, in lagu cabiro Shaahadana ma ahan wax sax ah, waana qayb ka mid ah firkirka reer Galbeedku ku curyaamiyaan bulshooyinka Addunka, waase muhiim in shaahaadoyin la qaato. waxa ugu wayn oo wax loo barto waa in Hab-dhaqanka qofku badalmo ( Behavioral change) waana in qofku fikirkiisu ka koraa xaafadu ku dhashay, waa in qofku Bulshada wax ku soo kordhiyaa, waa in qofku noqdaa qof hab-dhaqan wanaagsan leh, waana in qofku xurmeeyaa wada hadalka iyo rabitaanka bulshada, waana in qofku karti u yeesho inu la dhaqmo dad kala duwan, kala dhaqan ah, kala diin ah, isla markaasna tixgaliyaa qof kasta aragtidiisa iyo waxa uu aaminsanyahey, waana in qofku tix-galiya sharciga iyo wixii lagu heshiiyay.

                   Ugu dambayntiina

Waa muhiim in aan ogaano dadka Dunidaan ku soo kordhiya hormarka iyo cilmiga qaybihiisa kala duwan, sida Sayniska, Falsafada, dhul iyo Bad mareenada, Cilmi fansiga, farsamada gacanta,maamulka, siyaasadda, dhaqaalaha, barashada Diinta qaybaheeda kala duwan, dhammaantood kuma jirin hal qof oo shahaado Degree ah haystey,MASTERS ama PHD haystey, balse dhamman waxey ahaayeen aqoonyahano run ah addunkana raad muuqda kaga tagey maantana Jaamcadaha lagu dhigo waxey ka tageen.

Qofku haddii usan aqoon hab-dhaqanka deegaankiisa, sidii uu ula jaan-qaadi lahaa bulshadiisa, sidu ku maareyn lahaa nolashiisa iyo tan bulshadiisa, sidu uga faaiideysan laha khayraadkiisa, iyo sidu xal ugu heli lahaa khataraha soo food saaraha nolashiisa iyo dan bulshadiisaba AQOON YAHAN MA AHAN SHAHAADADA UU DOONO HA WATEE, WUXUU DOONO HA BARTEE.

Ustaad Bilaal Cismaan

Thursday, August 10, 2017

WAAYO ARAG WAA KII MUDAN IN LA DHAGAYSTEE, DHAGTA U RAARICI….

                          Bari hore Boqor caadil ah ayaa waxaa uu dhalay inan keliya, boqorkaas oo jeclaa in inan-kiisuu dhaxlo oo si marka uu dhaxlo sumcadiisa aan loo oran Aabbihii ayaa dhaamay keliya, balse la yiraahdo waddadii aabbihii buu qaaday, si taasi u dhacdo boqorkii wuxuu u diray inan-kiisi nin indheer-garard ah si uu wax u baro.

                 Indheer-garadkii inankii si fiican ayuu u soo dhaweeyey, isaga oo aad uga dhisay dhinaca aqoonta.Dabadeed indheer-garadkii maalintii ugu dambaysay ee ay wada kulmaan inan-kii boqorku dhalay ee uu ugu keenay inuu waxbaro, ayaa waxa dhacday maalintaasi inuu si sabab la’aan uu aad u garaaco oo waliba si ba’an u jirdilo

            Inan-kii oo aad uga xumaaday sabab la’aanta loo garaacay iyo orodoo ka hor dhaqaaq wajigayga oo loogu daray ayaa ku laabtay qasrigii Aabahii inan-kiina waxba uuma sheegin Aabahii oo wuxuu ka baqay aabahii inuu rumaysan waayo.

     Dabadeed, muddo dheer kadib, waxa dhintay boqorkii oo waxaa dhaxlay inan-kiisi, kadib inankii boqorka noqday wuxuu u yeeray ciidammadiisi gaarka ah-polisiya milataare wuxuuna ku yiri: waxaad tagtaan tuulo hebla, waxaad waydiisaan ninka layiraa hebel, hebel, oo haddaad la kulantaan ii keena sidaasi ayey ku dhaqaaqeen askartii kuna tageen tuuladii loo diray, kuna soo kaxeeyeen odaygii. 

       Odaygii markii la horkeenay boqorkii yaraa ee Aabahii dhaxlay wuxuu odaygii ku yiri: Oday-yahow ma igaranaysaa kumaan ahay? Odaygii wuxuu ku jawaabay, "Haa sidaanan kuu garanayn miyaanad ardaygii ahayn".  inankii boqorka noqday ee Aabahii dhaxlay aad ayuu uga carooday arrintaasi, balse mar kale isagoo madaxa ruxaya, wuxuu ku yiri odaygii; " Yaah waliba waad i xasuusan tahay soo ma aha oo waxaan ku waydiiyey maxaad maalintii iigu kaa dambaysay aad sabab la’aan si ba’an anoo waxba galabsan ii gugaraacday" Odaygii wuxuu boqorka yaraa ugu jawaabay: Waa runtaa si ba’an ayaan kugu xadgudbay.
Odaygii isaga oo hadalkiisi sii-wata waxa uu ku yiri, madaama ay ahayd ujeeddada aabahaa, oo nin wanaagsan ahaa ii kaa keenay ay ahayd inaan aad ugu dadaalo tarbiyadaada waxaan aad ugu dadaalay inan wax kasta wax ka baro.
Inankii boqorka noqday ayaa Odaygii hadalkiisi hakiyey oo ku yiri: in dadka layska garaaco oo waliba karbaash lala-dhaco ma wax la bartabaa ama dadka lagula dhaqmo?

                        Odaygii indheer- garadkaa ahaa, inta uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri: Waad ku hagaagsan tahay sida aad tiri ka dib markii aan u arkay casharo badan oo aad nolosha iyo waaya-aragnimadeeda aad uga bahnayd, in aan ku siiyey iyo anigoo kuu arkaayey inaad maalin aabahaa oo shakhsi wanaagsan ah dhaxlidoontid .. Maalintii iigukaa danbaysay casharka aan kugu yaboohay wuxuu ahaa kii ugu mihiimsanaa ee aan ku siiyey, waa kii aabahaa ku hayey muddadii dheerayd ee uu xukunka hayey dadkuna ku jeclaadeen,adigana waa ka xukunkaaga soo dadajin kara siina dheerayn kara, waxaan sabab la’aan karbaashka kuula dhacay, waxaan doonayey inaan ku dareensiiyo foolxumada dulmigu leeyahay iyo inaanad cidna dulmin. Boqorkii yaraa, wuxuu madaxa ka dhunkaday odaygii wuxuuna ka dhigtay la taliye. Wuxuuna mar walba u hanqaltaagi jirey inuu ka helo waayo aragnimo dheeraada.
Odeygii boqorkii yaraa wuxuu ku gargaaray inuu noqdo waayo arag iyo nin boqora oo caadil ah.

Sheekadani waxaynu ka qaadanaynaa in aan laga maarmin waayo-aragnimada iyo dhago u raaricinta dadka waayeelka ah.

WAAYO ARAG WAA KII MUDAN IN LA DHAGAYSTEE, DHAGTA U RAARICI….

                          Bari hore Boqor caadil ah ayaa waxaa uu dhalay inan keliya, boqorkaas oo jeclaa in inan-kiisuu dhaxlo oo si marka uu dhaxlo sumcadiisa aan loo oran Aabbihii ayaa dhaamay keliya, balse la yiraahdo waddadii aabbihii buu qaaday, si taasi u dhacdo boqorkii wuxuu u diray inan-kiisi nin indheer-garard ah si uu wax u baro.

Indheer-garadkii inankii si fiican ayuu u soo dhaweeyey, isaga oo aad uga dhisay dhinaca aqoonta.
Dabadeed indheer-garadkii maalintii ugu dambaysay ee ay wada kulmaan inan-kii boqorku dhalay ee uu ugu keenay inuu waxbaro, ayaa waxa dhacday maalintaasi inuu si sabab la’aan uu aad u garaaco oo waliba si ba’an u jirdilo

.

WAAYO ARAG WAA KII MUDAN IN LA DHAGAYSTEE, DHAGTA U RAARICI…..

Monday, August 7, 2017

AQOONI WAA TUMA? YAA NOQON AQOONYAHAN?

AQOONI WAA TUMA? YAA NOQON AQOONYAHAN?

                     Waxbarashada: waa furaha Nolosha, Aqoon la'aan waa iftiin la'aan waa aqal iyo ileys la'aan . Dhamaan umadaha dunida ku nool
Waxaa aad isu soo taraya waayahaan danbe dareen iyo walaac wayn oo ah in aan Farqi ama kala duwanaasho wayn u dhexeen Aqoonyahanka Somaliyed iyo kuwa aan waxba baran sida dadku aaminsanyahey. Dadku waxey ku taami jireen muddo dheer in haddii umadda ay hogaanka iyo talada u qabtaan heer qaran iyo heer Qoysba kuwa sheegta Aqoonyahanka xal loo heli karo dhibaatooyinka diloodey Bulshada somaliyed kuwaas oo ay ugu horeeyaan maamul xumada, musuq maasuqa, qabyaaladda, eexda, caddaaladda darada, han-yarida, aragti gaabnida iyo fahan yirida sida siyaasadda Dunidu shaqeyso..

                         Maanta markaad fiirisho Bulshada Soomalida gobolka kasta oo ay dagantahey dadka hor-boodaya ama haya meelaha bulshada hal-bowlaha u ah heer kasta iyo gole kasta waxey u badanyihiin dad lagu magacaabo aqoonyahano, balse walaaci iyo dhibaatooyinkii Bulshadu waa sii kordhayaan, wax sii xumaada mooyee wax ka soraayana waa yaryihiin. Hab-dhaqanka Aqoonyahankuna kama duwana haddii uusan ka sii liidan kuwii hore ee Somalidu u taqaaney Aqoon laa-wayaal.
                   Handho macnaha Aqoonyahan iyo Aqoon la iskuma waafaqsana, waxaana jira aragtiyo iyo macnayaal badan oo kala duwan. Laakiin haddaan tusaale u soo qaadano 2 macne ee ugu dhow marka Falsafad ahaan laga hadlayo aqoon, waxaan oran karnaa waa sidaan:.
                                  Aragtida Islaamiga ah
A) Aragtida Islaamiga ah, AQOON waa in qofku yaqaan xiriirka ka dhexeeya Eebe wayne iyo asaga, inuu yaqaan siduu ula dhaqmi lahaa Bulshoyinka kala duwan, inuu yaqaan siduu nolashiisa u maareyn lahaa, isla markaasna uu yaqaan siduu ula fal-gali lahaa deegaanka iyo cimilida ku xeyn-daaban si uu uga faaiideysto kheyraadka isla markaasnba isaga ilaalsho khataraha u wareegsan.
B) Aragtida ay Aaminsanyihiin Bulshoyinka kalana waa intaas hore oo laga reebay xiriirka u dhexeeya Eebe iyo Addoomadiisa. wixii intaas ka soo hara waa la isku waafaqsanyahey, sidii la doono ha loo kala hormariyo erayada ama ha loo qurxiyee.
                        Aqoonta baa si khaldan loo fahmey
Khaladka ugu wayn wuxuu ka jira Aqoonyahan iyo Aqoonta baa si khaldan loo fahmey, Odeyga ama Hooyada Somaliyed ee dhulka miyiga ah xoolaha ku raacata ee taqaan kuna xisaabtanta xilliyada, roobabka, dabeylaha, dhulka deegaanka san, dhirta u roon xoolaha, kuwa wax lagu daweeyo, cudurada ku dhaca xoolaha, oo xatta taqaan NEEFKA xoolaha goorta uu taaho xanuunka haya iyo dawadiisa waa AQOON yahan. Sida oo kale kan BEERTA Fasha iyo kan KALLUNKA dabta oo asaga oo maraya Bad-wayn oo aan haysan GPS ama jiheeya garan kara biyaha uu dul marayo meeysha ay yihiin iyo sidu uga faaiideysan karo iyo dhammaan waxa la xiriira shaqadooda iyo noloshooda waa dad aqoon yahan ah.,,
Odayaashii hore ee Somaliyed ee ku xeel dheeraa xallinta khilaafka, wadaaga khayraadka sida Biyaha iyo Daaqsinta dadkana xukumi jirey ayaga oo aan ciidan Boolis ah iyo Xabsi midna haysan miyaysan aheyn aqoonyhan. Hooyooyinkii sameyn jirey weelasha kala duwan, sameyn jirey qaababka kala duwan ee lagu Keediyo Cuntooyinka ee ka ilaalinaya in cuntada qurunto isla markaasna u sahalaya Cuntada bisil in ay ooli karto in ka badan bilo oo aysan is badalin miyeyan aqoonyahan iyo SAYNIS yahan.
                     Aqooni  shahaado la qaato  oo kaliya mahan
Haddaba Aqoontu xad ma leh, in lagu cabiro Shaahadana ma ahan wax sax ah, waana qayb ka mid ah firkirka reer Galbeedku ku curyaamiyaan bulshooyinka Addunka, waase muhiim in shaahaadoyin la qaato. waxa ugu wayn oo wax loo barto waa in Hab-dhaqanka qofku badalmo ( Behavioral change) waana in qofku fikirkiisu ka koraa xaafadu ku dhashay, waa in qofku Bulshada wax ku soo kordhiyaa, waa in qofku noqdaa qof hab-dhaqan wanaagsan leh, waana in qofku xurmeeyaa wada hadalka iyo rabitaanka bulshada, waana in qofku karti u yeesho inu la dhaqmo dad kala duwan, kala dhaqan ah, kala diin ah, isla markaasna tixgaliyaa qof kasta aragtidiisa iyo waxa uu aaminsanyahey, waana in qofku tix-galiya sharciga iyo wixii lagu heshiiyay.

                   Ugu dambayntiina
Waa muhiim in aan ogaano dadka Dunidaan ku soo kordhiya hormarka iyo cilmiga qaybihiisa kala duwan, sida Sayniska, Falsafada, dhul iyo Bad mareenada, Cilmi fansiga, farsamada gacanta,maamulka, siyaasadda, dhaqaalaha, barashada Diinta qaybaheeda kala duwan, dhammaantood kuma jirin hal qof oo shahaado Degree ah haystey,MASTERS ama PHD haystey, balse dhamman waxey ahaayeen aqoonyahano run ah addunkana raad muuqda kaga tagey maantana Jaamcadaha lagu dhigo waxey ka tageen.

Qofku haddii usan aqoon hab-dhaqanka deegaankiisa, sidii uu ula jaan-qaadi lahaa bulshadiisa, sidu ku maareyn lahaa nolashiisa iyo tan bulshadiisa, sidu uga faaiideysan laha khayraadkiisa, iyo sidu xal ugu heli lahaa khataraha soo food saaraha nolashiisa iyo dan bulshadiisaba AQOON YAHAN MA AHAN SHAHAADADA UU DOONO HA WATEE, WUXUU DOONO HA BARTEE.
Ustaad Bilaal Cismaan

1xbet affliate lacag ka samee

https://refpasgqhrwl.top/L?tag=d_1168677m_1573c_&site=1168677&ad=1573