bilal osman
Wednesday, September 22, 2021
Monday, September 13, 2021
1xbet casino Lacag free ah
REFERAL 1XBET
https://refpa1282225.top/L?tag=d_1168677m_1573c_&site=1168677&ad=1573&r=Live/
Tuesday, April 27, 2021
Qaybtii labaad…sheekadii DAD IYO DUUNYABA HAYAAN...
Cantara waxay dejisay sidii ay uga haajiri lahayd halkan. Hu' geeda wixii u dhawrnaa iyo wixii kale ay kusii darsan kartaba waxay ku ridatay Kiish, ama harqad. Nooca barkimaha lagu dahaadho. dharkeedi ku guratay kiish harqad hariiryo leh taasoo aabeheed si khaas ah loogu geliyo Barkinta habeenada gaarka ah. Iminka Waa diyaar inay baxsato. Habeenkii saddex meeloodow labo daloo iyo badh baa tagay. Si aan sanqadh lahayn, oo dhuumasho ah ayay guure u gashay dhankaa iyo magaalkii dhankii uu kaga beegnaa. Guure dheer oo muure muureyn badan, ayay habeenkoo idil dabad haysay. Maaha qof ka baqaysa bahalaha. Sida dhurwaaga iyo wixii la awooda. Dhanka kale cabsi libaax iyo mid bahal kaloo u dhigma kuma jirin waayo deegaankani laguma aqoon. Waa barigu marku soo dhawaa ee ay himbiriirsi arag ku itaalayso bidhaantay damacdo inay aragto, ayaa waxa u muuqday tuulo u dhaw halkay xalay kasoo kicintintay. Cid ka garanmayso. Suaalo badan bay is weydisay. Yaad utagaysaa? Cidaad hadda u tagto oo sooba jeeda maxaad odhan? Ceebtaad ma baxsad baan ahay?. Maya. Waxaan ahay gabdh magaaladi weynayd u socota oo bugto darteed loo soo diray. Bugto aan hayn waayay b!n la guurayn baan odhan. Gawaadhida jarmaadada ah igu tuura, si aan dabiib fiican uga gaadho. Sidaa ayaan go'aan saday.
Hadalku isagaa isu badane Cantara waaba qof qallalan oo caato aada. Ciddi aragtaaba odhanayso tani waa xanuunsanaysaa. Laakiin waa siday u tahay dhalan. Sidaa awgeed niyaday isugu dhistay muuqaalkaaga ayaa beenta aad sheegayso kaa caawin doona. Hadayba soo gashay guryihii koonaha waxay aragtay gabadh gashaanti ah oo shidaysa dabkii ay quudka subaxnimo ku karsan lahaayen. Tarraq ayay shidaysaa oo garbasaarteedii ayay u huwatay si ay uga celiso hawada. Si lama filaan ayay dhahday CANTARA nabad ma sheegteen? Inatii intay naxday ayay si dhakhso ah usoo fiirisay isagana qaaday maraday u huwanayd shiditaanka dabka. Weliba iyadoo naxsan. Oo qalbiga iska weydiinaysa ‘’ma jin baa insigii hadda waa hurdaaye waxam kugu soo waa bariistay’’. Wayse aragtay inay gabdh tahay. Shaydaanka iyadoo naaraysa ayay dhahday.’’ Nabad intaan warkeeda hayno’’
CANTARA ayaa hadalkii u baxday oo dhahday ‘’waxaan u socdaa magaaladii, cidna kama garanayee walaalo inta gaadhigu imanaayo meel aan ku sugo ma idinka helayaa..’’ gabdhii aya dhaday haa walallo. Oo geysay gogoshii xasiiga ahayd ee hadda kaso kacday. CANTARA waa yara fadhiistay. Hal cabaara kabcdi iskala bixisay. Mise waaba tabcaano caawa dhan guuro bahalayn ahayd hurdo ayay la dhacday.. Si kedis ah ayaa habarti gurigu madax yara qaaday. Mise gabdhay tiri dabka shidba waa hurudaa.. intay kacday oo si cadho leh.....
la soco qaybaha danbe....
qalinki:- Ustaad Bilal Osman
Sunday, April 25, 2021
SHEEKO FANEED. DAD IYO DUUNYABA HAYAAN.
DAD IYO DUUNYABA HAYAAN….
Wuxuun baa qalbigayga ka guuxayay ayaamo. Dharaaro cunto igama deign. Xalka naftayda ma hayo. Afar godol quud afkaa ma gelin. Cunto cayn walba guriga waa yaal. Oodkaca, subaga, jabdhanka iyo weliba caano gadhoodha,lkn waxaasi daah baa iga saran. Degaanka aan ku noolahay oo dhan baa diiqad iga haysaa. Xal hadaan raadiayay waxan arkay, naftanoo u muhanaysa degaalka magaalada oo kasoo horjeedsatay beledkan baadiyaha ee an noloshayda ilaa SINDHEER aan kusoo gaadhay.
Kolkaan kurayda ahaa waxaan la dhacsanaa nolosha baadiyaha. Magaalada xataa kii ka yimaada sheekadiisa ma jeclayn. Belo waxay I asiibtay kolkaan ahaa TIMOTIDCAN. Oo ahayd kolkaan isu arkay inan ahay malaha gabadh awr qaad ah. Markaas waxaan u hinqaday inan raga isoo hoolan doona aan midkayga ka baadho. Kii I qanciya aan malahayga aan u arko inuu aayatiinka danbe ila baxsan karo, maadaama wakhtigu adagyahay. Maalinba hawl addun uun baa na sugaysee. Mar aan dameero dhaana daba galo. Iyo maraan riyaha buurah iyo kaymaha uga qabceeyo, iyo kol kola an aqalka quutul daruuriga ku diyar gareeyo.
Tan iyo ilaa haatan oo an sindheer marayo ayaan kusoo gaadhay maalinba ayni gaara inaan ku waabariisanno. Hadaba haatan saluuga ba’an baa iga galay nolosha noocan aan ku jirnoo ee taala halkan. Waa nolol ma qadaa ma dhargaan ah. Waxaan ahay socod. Hadab tolow waa su’aal mesha ku jirtee xagee naftan loo wadaa. Kolay halkan meel uun dhaanta ayaan malahayga ka helayaa inaan uga digo rogto. Si aan u helo nasasho nafeed iyo meel uun dadku sheeko igu soo gaadhsiyay…
Laso qaybaha danbe
Waxaa qoraalkan igu dhiirri galiyay walaalkay Mohamed H Dhakawe
Qalinkii:- Ustaad Bilaal Cismaan Iimaan

Thursday, April 8, 2021
MAANSO CURINTA
MAANSO CURINTU WAA HIBO.
In aanay sinaan karin ruuxa maansadiisu tahay mid hibo hide keentaya iyo kay tiisu tahay gurdan raac hawliyo barasho ah, waxaa heego inoogu maraya meerisyadan laaxiboon ee aan ka soo goldooxay tix la yiraaho Joog Hadeerba oo uu tiriyey Abwaan Xasan Bulxan Cali. Ciduu doonayaba abwaan ha u hanjabaye tixdu waxay ahayd mid goodis, haseeyeeshe wuxuu abwaanku tuducyada inoogu manqaxaya in jookhiyo sharafteedu fadhido ruuxa Idimka Eebe hibada hiddeed loo siiyey, ayna xikmad(murti) curintu tahay mid hoos jirta oo laftiyo dhuuxa ku aroorsan oo aan la iska soo dhuran karin. Abwaan Bulxan wuxuu yiri:-
❀Jarka booddo maahee xikmadi waa, wax hoos jira e
❀Jabqan xaraf jacburiyuhu ismood, jaamicii sara e
❀Hidda jiidashaa lagu dhaxlaa, gabayga jaallow e
❀Jubuqtaamin geed lalama tago, tuura kala jeede
❀Jidbaysanaha suugaanta jecel, garanna jiibteeda
❀Jeeqaaqe aan kala aqoon, tubaha loo jeexo
❀Jabqis badanle waxaan jirin sawire, jaantus kala nooca.
❀Jumladiyo naxwaha kaa khaldani, leexi jihadiiye.
❀Jirdin xarigga kaa soohayow, waan ku jaad garane.

Sunday, June 28, 2020
GABAY TUBSAN
TUBTA-TOOSAN (GABAY)
Tada gabayga waataanan tirin maalimihi tegeye
Kuma taagsan maansadaan toosinjirey waaye
Toolmoone gabay waanigii laabay tuducdiise.
Hayeeshee tilmaamaha aduun galaba waa toore
Uumiyaha tan kugu xeeraniyo waaqicaa tabine
Inaad talo abwaan dhiibataa waa tu' waajiba e.
Tixahaygu waa mawjadiyo togag mahiigaane
Waa hirar isdaba tiicayiyo tooxanow warane
Marna waa tilmaan hadal fogiyo hoga tusaalayne
Carro togan hadii tumay yar iyo magay ku tiixtiixo
Taacugiyo dhurbihi baa bixiyo toban kunoo geede
Waxse kama taraan tiinka iyo tuur caraalaha e
Tusaalaha an sheegiyo hadaan hadafka tiigaalo
Talada iyo waanadi rabbigen inaku taamyeelay
Dadbaa xumaha taageer noqdaan looga taag heline
Towbiyo anfaaliyo baqriyo suuradaha toosan
Bogag wada tamilan aayadaha tirada miisaaman
Jusaskoo ku taxan iyo xisbiga toos isugu aadan
Xarfo kaligo taag-taaganoon laba tafsiiraynin
Tilmaantiyo macnaha ay wataan aan la tibo gaarin
Waa tilmaamo Eebbaha xaqaa nagu tusaalayne.
Axaadiista togan iyo sunnada la isku taamyeelay
Toogashada qofkii ruux diliyo tuugo gacan goynta
Murtadkii ka tegey diinta iyo gaala turuq goynta.
Intaasoo tusaaaloo sharcigu meel isaga taagey
Ninka inuu tirtiro doonayoo tiisa nagu oogo
Shaydaan inuu toosh u yahay talafku saw maaha.
Heesaha ninkaw taahayoo tumasho xeelaystay
Inuu toban hablaha guursadana gole lasoo taagan
Inuu talo ibliis eersaday saw tu runa maaha.
Shanta tiir islaam iyo lixdiyo tirada iimaanka
Umadaa kuwada toosanee qirya towxiidka
Gaalnimo in lagu tuuro saw talo ibliis maaha.
Ninkii diinta labo tuduc bartoo tiro kitaab meersha
misna aan tamilin xeerarkiyo tixaha miisaanka
Culimada inuu tiigsadaa tala xun soo maaha.
Tiintiin nin beeriyo ninkii timir abuuraaba
Qofwaliba wuxuu turuqsadaa tuurta loo surine
Tubta toosan waa inan marnoo tacab samaynaaye.
#Maxamed Cabdinuur Garyare

SHEEKO FANEED. NIN GUMOOBAY. Ibraahin Yuusuf Hawd
Nin Gumoobay
by Ibraahin Yuusuf Axmed
Juun, juun, juun. Qofka bisha juun Iswiidhan soo galaa wuxuu moodayaa janno. Kaymuhu cagaaranaa! Dhirtu dhaadheeraa oo qurxoonaa! Dhulku doog iyo ubax badanaa! Maxaa balli iyo haro galac leh! Maxaa tog iyo webi meel walba qulqulaya! Magaaladu nadiifsanaa oo degganaa. Labaatanka bisha juun oo ay qorraxdu diirran tahay ayuu Rooble soo galay Iswiidhan. Wuxuu dalandalinayey qoyskiisa oo ka kooban xaaska Hodan iyo laba ilmood, Ismahaan oo lix jir ah iyo Axmed oo afar jir ah. Waa afartan jir miyi ku barbaaray tobankii sano ee u dambeeyeyna ahaa askari bilays ah. Riyadiisa ugu fog uguna weyni waxay ahayd mar uun in uu reerkiisa nolol ku filan u helo, mar uun in uu gaadho heer uusan cuntadooda, arradbeelkooda iyo hoygooda ka welwelin. Riyadiisa kale ee muhiimka ahi waa in uusan mijintiisa qaadka ah iyo sigaarka waayin. Toddobadii sano ee uu reerka lahaa arrimahaas wuxuu ku helayey silic iyo saxariir.
Maalintii uu naftiisa iyo reerkiisaba Iswiidhan u dhiibay iyo maalintii la siiyey sharcigii degganaanshaha waxaa u dhexeeyey oo keliya saddex toddobaad. Waxaa loogu daray aqal cammiran oo afar qol ka kooban. Haddii bil walba la siinayo lacag tii askarinnimada kumannaan goor ka badan dhib kuma aha isaga iyo xaasku in ay sidii laba ilmood aroor walba boorso dhabarka saartaan oo dugsi afka dalka lagu barto u jarmaadaan. Lacagta caydha loo yaqaan oo ay dadka dalka u dhashay ceeb laga xishoodo u arkaan reer Rooble mushahar ugama duwana. Lacagi sow lacag uun ma aha? Waxa loo dhididaa sow in lacag la helo uun ma aha? Aqalka uu dhex fadhiyo iyo waxa dhex yaal ee telefeeshin, armaajo, qaboojiye, fadhi debecsan, sariiro ka sii debecsan, iyo alaab kale oo badan haddii uu Soomaaliya joogo weligii ma heleen. Wuxuu xasuusan yahay aqalkii jiingadda ahaa ee uu sannadihii dambe ku noolaa, kaas oo xilliga kulaylka foorno noqon jray marka roob da’ayana la moodi jiray in madaafiic lagu duqaynayo.
Bilawgii ayey arrintu sidaas ahayd, hayeeshee xaalku wuxuu xumaaday markii uu Rooble cid shaqo u dirataba waayey. Markii uu afka wax ka bartay wuxuu ku dadaalay in uu shaqo helo, laakiin wax guul ah kama gaadhin. Berigii uu Soomaaliya joogay wuxuu maqli jiray ”carabta waxaa laga helaa shaqo askarinimo ah”, markii uu bilayska Iswiidhan shaqo noocaas ah u doontayna waaba lagu qoslay. Boqollaal kale oo soomaali ah oo aan subax kallihin ayuu bartay, dabadeed niyaddii shaqo raadintu waxay ku shiiqday eber. Biilkiina habartii bixin jirtay waxay bilawday bahdilid. In uu xafiis hebel warqad ka keeno, sababta uu shaqo u waayey, waxa uu muddadii la oo dhaafay qabtay iyo hadaltiro la mid ah ayey marka uu masruufka u doonto kala hor timid. Qalbijab iyo niyadxumo ayaa dhan walba ka soo weeraray.
Waxa uu reerku bisha helo saddex inood oo la isla yaqaan ayaa loo qaybiyaa: in lagu noolaado, in la xawilo, iyo in uu odaygu qaadka iyo sigaarka iskaga bixiyo. Waxii aan intaas ahayn ee faro dhexdood ka baxa muran badan baa ka dhasha, eeddana waxaa yeesha qaadka ama dharka dumarka. Qaadka halkan yaal qaad uun ma aha ee waa qaali aan weliba laga haqab la’ayn. Waxaa ka sii daran in uu mamnuuc yahay oo lala dhuunto. Si kasta ha ahaatee Rooble noloshii uu ku riyoon jiray tani kama foga. Laakiin adduun hawli kama dhammaato, marka hir la gaadhaba mid kale ayaa hira. Dhaqammada iyo diimahan cusub ee uu ku dhex nool yahay wuu ku diiqadoodaa, mustaqbalkana wuu ka baqaa. Wanaagsanaa qof nabaddan iyo noloshan dalkiisa ku helay. Wuxuu xasuustay heestii geela ee ahayd:
meel bur cawsa leh
oo biyo u dhow
baadi doonyoo
biciidkuba waa
Sabtida iyo axadda carruurta wuxuu geeyaa malcaamad, yartiisana markii ay toddoba jir gaadhay ayuu xijaab kurka ugu daboolay. Isaguna wuxuu bilaabay salaad aan cabsi Eebbe ahayn ee cabsida dunida ah. Haddii uu Alle ka cabsanayo wuxuu iska dayn lahaa qabyaaladda, xanta, xasadka iyo qaadka. Xaaska wuxuu ku dirqiyey in ay tukato oo xijaabato ka dib markii uu arkay ama maqlay naago dabagaab qaatay oo gaambiyaan iyo caddaan gacanta qabsaday. Intaas ayuu qoyskiisa beloxijaab uga dhigay. Dunida wuxuu ugu neceb yahay naagaha ay Hodan telefoonka kula sheekaysato marna booqato ama iyagu soo booqda. Xataa waxaa ku jira kuwo caddaan ah. In kasta oo uu jecel yahay in ay guriga fadhido, haddana aad ayuu u neceb yahay telefeeshinka iyo waxa daran ee ay ka daawato sida Glamour, Dallas, Rideriet iyo waxa la midka ah.
Rooble ma oga in uusan isku heli karin xaaska in uu guriga ku hayo iyo in ay ahaato qalanjadii dhuubnayd. Waa taas jeer la egaatay ka dib markii ay nolosheeda ku koobtay kijada, telefeeshinka iyo sariirta. Isla markaa gurifadhigu kama hor joogsan in ay u fekerto una dhaqanto sida dumarka kale. Durba waxay caado ka dhigatay haddii ay wax isku khilaafaan in ay tidhaahdo: ”Jaalle, halkani waa Iswiidhan”. Ujeeddadeeda si fiican buu u fahamsan yahay. Wuxuu yaqaan rag gurigoodii laga eryay oo debedyaal ah iyada oo qiil looga dhigtay weedhaas habaarka qabta.
Marka ay carruurtu sii korto, xaasku sii ilbaxdo, isaguna sii weynaado Rooble waxaa ku sii bata cabsi iyo welwel. Habeenno dhawr ah ayuu ku riyooday isaga oo gaboobay oo guryaha raqayaha lagu tuuray. Habeenno kale wuxuu ku riyooday bilays loogu yeedhay oo aqalka ka saaray. Habeenno kale wuxuu ku riyooday iyada oo intii uu maqnaa albaabka furaha laga beddelay, markii uu garaacayna laga furi waayey oo debedda baraf ku helay. Sidaas oo ay tahay gurigiisu guryaha uguma khilaaf badna ee isaga ayaa sheydaan wadnaha u galay.
* * *
– Naa Ismahaan, waa maxay waxa aad gashan tahay? Ha ku bixin sidaas ee wax dhaama qaado.
Sidaas ayuu Rooble maalin maqlay xaaska oo curaddooda siddeed iyo toban jirka ah ku leh. Ismahaan oo albaabka ka sii baxaysa ayuu kor u eegay mise waxay gashan tahay maro lawyaha joogta oo faraqyo leh sidii ay dhul xanan badan adhi ku raacday. Hadalka hooyadeed dheg uma ay jalaqsiin juuqna uma celin ee waa ay iska baxday. Dhanak kale ayuu eegay mise waxaa taagan Axmed oo lix iyo toban jir ah. Isaguna waa kaas funaanad habacsan oo ta hooyadii ka sii weyn iyo wax surwaal u eg oo miskaha hoos uga siibtay ku dhex jira. Waa kaas faraha biro cadcad ku taxay, qoortana gashaday kuul leh midabyada calanka xabashida iyo silis carrabkiisu yahay khariidadda Afrika oo iyaduna leh isla midabka hore. Timaha in uu jaro ama shanleeyo diid oo wuxuu u raamaystay sidii qof waalan. Waqti baas dheereeyaa muxuu xiimayaa! Dadkani miyaanay ahayn labadii shalay caydiga ahaa?
– Waar Axmed, maxaa siliska iyo kuusha kuu xidhay ma dumar baad tahay? Isla yaab oo waxa iska bixi. Surwaalkan xun ee kaa dhacayana iska tuur oo wax ku la’eg gasho.
– Aabbe wuu i la’eg yahay.
– Wuu i la’eg yahay? Haddii uu ku la’eg yahay muxuu kaaga dhacayaa?
– Sidaas baa loogu talogalay.
– Bal wax uu ku hadlayo dhegaysta! Sidee loogu talogalay ma in uu kaa dhaco?
– Ma iga dhacayo dee.
– Waar ma iga dhacayo lahaane waxa iska beddel dibna yaanan kuugu arkin. Timahan xun ee lagu moodo qof waalan iyagana galabta iska soo jar. Ma i maqlaysaa?
Axmed wuu xanaqay oo inta uu qolkiisa irridka xidhay muusig cirka ku dallacay. Muusig lama moodo ee waa buuq, sawaxan iyo qaylo badan oo ka soo baxaya dad aan laga garan waraabayaal raq kala boobaya. Rooble hore ayuu wiilkiisa ugala quustay waxaas dhegaysigooda in uu iska daayo. Maba noolaan karo haddii uusan habeen iyo maalin dhegta ku hayn. Marka uu ku canaanto: ”Waar bal maxaa heesihii afkaaga kuu diiday?” yarku calaacasha gacanta oo ay faruhu fidsan yihiin inta uu sidii neef ragaaday hoos u laallaadiyo ayuu ku jawaabaa: ”Waxaas waqtigoodii waa dhammaaday”. Haa, wuxuu la mid yahay hooyadiisa caadaysatay ”jaalle, halkani waa Iswiidhan”.
Guriga Rooble waxaa ka bilawday gadood uu wax badan maskaxda ku hayey. Waxaa bilawday amardiiddo toos ah. Carruurtu waxay af cad ugu sheegeen ”dad waaweyn baanu nahay ee ha na xukumin”. Islaantuna waxay ugu digtay ”diktatoornimadaada waan ku daalay ee cagaha iga dhig”. Taa waxaa xigtay dhirbaaxo kulul oo Hodan indhaha ka cuskatay. Dabadeed afar habeen iyo afartoodii maalmood
afartoodii maalmood ayuu Rooble debedwareeg ahaa oo cid kale dulsaar ku ahaa ka dib markii bilaysku qadaadka qabtay oo aqalka debedda uga tuuray. Dad soomaaliyeed oo samodoon ah ayaa ku guulaystay in ay reerka isku soo celiyaan. Isla markaa Rooble waxaa lagula taliyey run ahaantii halkani in ay tahay Iswiidhan sidaa darteed uu gacantiisa fudaydka ka ilaaliyo.
Sannad kale ayuu Rooble rabbaayad ahaa oo waxa gurigiisa ka dhacaya ismoogaynayey. Run ahaantii inta badan habeenkii ayuu soo hoyan jiray maalintii oo dhanna wuxuu ka murmi jiray kulammada fadhi ku dirir ee ay dadka qabyaaladda ku waashay ku kulmaan iyo aqallada lagu qayilo. Labadaas meelood ayuu xubin firfircoon ka noqday marka laga reebo jimcaha gelinka hore oo uu masjidka u badnaa.
* * *
Maalmahan inta uu guriga joogo dhegihiisu waxay maqmaqlayeen hadallo ku saabsan Ismahaan oo hadalhaysa in ay noqonayso wax ay ku sheegtay ”fotomodeel”. In ay sida Iimaan iyo Weris u caan bixi doonto, oo lacag iyo magac yeelan doonto. Wuxuu maqlayey in ay tijaabadii koowaad ka gudubtay. Waxaa maskaxdiisa ka soo miirmay kuna soo xoomay sawirradii ku kaydsanaa kuna saabsan waxa ay yartu ka hadlayso. Naago dhaadheer oo qaawanaan u dhow, kuwaas oo si aan dabiici ahayn isu jejebinaya, oo dad iyo kamardo badan hor marmaraya ayuu xasuusta ka arkay. Curaddiisu ma noocaas ayey rabtaa in ay noqoto? Naxdin, baqdin iyo niyadxumo adduun oo dhan ayaa soo weeraray. Maxaad yeeshaa? Dhulka loo daloolida ma dishaa? Iyo weliba walaalkeeda heeryada xun? Iyo xataa habaarqabtada dhashay? Maya, maya Rooble, mashaqada caqli ku xalli.
– Ismahaan, sow ma ogid waxa aad sheegaysid in ay diinta iyo dhaqanku diidayaan? Sow ma ogid in ay ceeb iyo sharafdarro inoo keenayso? Sow ma …
– Maya ee ma ogi, waxaanse og ahay faqrigu in uu ceeb iyo sharafdarro yahay. Bal arag nolosha aad raali ku tahay. Caydh baad ku nooshahay annagana nagu korisay, haddana shaqo lacag iyo magac lagu kasbado ayaad ceeb ku sheegaysaa.
– Haddii aan caydh idinku koriyey maxaan idinka hagraday? Dhulkeenna markii aynu joognay dhididkayga ayaan idinku quudin jiray ee dhulkan qalaad cid shaqo ii oggol ma aragtay? Waa maxay magaca qaawanaan laga kasbadaa? Noloshuse lacag uun ma aha ee sow in aynu wax kale xeerinno ma aha? Sow in aynu waxa uu qaddarku inoo qorsheeyey ku qanacno ma aha?
– Adigu haddii aad ku qanacsan tahay ku jir, laakiin anigu nolol xun oo aan ka bixi karo kuma qancayo.
Cabbaar ayuu muran dusha ka qabow hoostana dab kaga baxayo la sii waday. Sida uu u xanaaqsan yahay haddana isu dejinayo isaga iyo Ilaahay uun baa og. Iyada uun uma xanaaqsana ee waxaa kaga daran habarta jaan oo intii ay gabadheeda u caqlicelin lahayd xumaanta ku dhiirri gelinaysa. Labadaba waxaa kaga daran Alle qabayga walaalkeed ah ee aad mooddid in aanu reerka ka dhalan. Goorma ayaa la arki jiray wiil sharafta walaashii xil iska saara! Maalmahan ayuuba u daran yahay oo sidii gabadh guurdoon ah dhegaha dalooshaday oo waysaaqyo ka lulay.
Rooble sidii uu doodda u dejinayey ayey mar keliya jiman ku dikadeen, wuxuuna is-arkay isaga oo nabar daydayanaya. Maya, iskaga dhex bax. Albaabka ayuu boobay, wax yar ka dibna wuxuu ka murmayey fadhi ku dirikii uu macmiilka ka ahaa, si uu balaayada haysata isu illawsiiyo.
Miiska uu fadhiistay wuxuu u doortay laba fadhiyey oo ay iscaayi jireen. Waxay haysteen sheeko deggan, markii uu salaamayna inta ay si qabow uga qaadeen ayey sheekadii sii wateen. Maantana meesha uu ka weerari doono wuu ka soo fekaray, ereyada uu sida xabbadaha ula dhici doonana wuu soo urursaday. Intii shaaha uu dalbaday loo soo siday labada kalena sheekadooda gaarka ah gunaanadayeen wuxuu isku madaddaaliyey warqado kuwa wax lagu xayaysiiyo ah oo miiska saaran. Laba baal oo aan macno lahayn markii uu rogay kii saddexaad wuxuu kala kulmay arrin ay indhihiisu diideen maskaxdiisuna rumaysan wayday. Waxaa ku sawiran Ismahaan oo aan calal naasaha kaga maran iyo mid gumaarka kaga daboolan mooyee aan shay kale korkooda saarnayn. Malaha iyadii ma aha?Wallee waa qudheedii! Rooblow magacaa ba! Tanina ma kuu dambaysay!
Wadnaha ayaa garaaca xoojiyey oo shaqada dedejiyey. Sidii qof aad u soo orday ayey neef culusi iska gurtay. Dhidid qabow ayaa dhan walba uga qubtay. Wejiga waxaa ka fuushay labeen guuldarro, caddaankii indhuhuna wuxuu isu rogay xinjir. Wuxuu mooday dadka makhaayadda jooga oo dhami in ay farta ku soo wada fiiqayaan oo ku qoslayaan. Laakin labaataneeyada qof ee meesha fadhiyaa si aan lagu aqoon ayey hoos u wada hadlayaan oo degganaanta soomaaliba lama moodo. Illeen maantaba sheeko iyo qosol aan qaawanaanta Ismahaan ahayn lama hayn. Warqadihii uu sawirku ku yaallay inta uu si dhuuban isugu laabay ayuu la kacay, oo isaga oo aan shaahii cabbin lacagna ka bixin albaabkii uu ka soo galay dib uga baxay.
Ma warwareegin ee gurigii ayuu isku sii daayey. Labadii dumar ahaa oo fadhiga isugu hambalyeynaya sawirkii edebta darnaana dhabta ku haysta ayuu u galay. Dhirbaaxo aad u xooggan oo aan xataa qof la neceb yahay loo quudhin ayuu Ismahaan oo kicid u hoollatay dheg iyo dhafoor ku fujiyey. Iyada oo dalanbaabi ah markii ay dhulka ku dhacday ayuu damcay in uu dul tago oo sii garaaco, laakiin hooyadeed ayaa gacmo waaweyn haddana itaal daran kala hor timid. Iyadiina dhirbaaxo tii hore ka daran ayuu ku masaxay, waxayna ku dul dhacday yartii oo weli daadsan. Feedh, dhirbaaxo, laad, jilib iyo wax kasta uu awoodo ayuu labadii qof isu daba mariyey. Iyaguna intaa waa ay qaylinayaan, oo qaniinyo iyo xagtin intii tabartood ah isugu hiilinayaan.
Rooble wuxuu ku miyirsaday katiinad labadible ugu giigsan iyo koox bilays ah oo ku hareeraysan. Debedda ayaa loo saaray, intii dumarka dacwadda laga qorayeyna isaga waxaa lagu hayey baabuurka bilayska gudihiisa. Sagaal bilood oo xabbis ah ayaa lagu xukumay, iyo in uusan weligii reerka agtooda iman. Markii uu xabsiga dhammaystayna waxaa la dejiyey aqal gooni ah.
* * *
Rooble maanta waa shan iyo konton jir cimri degdegay oo toddobaatan jir la moodo. Wax cudur ah iskuma oga haddana wuxuu dareemayaa tabardarro aan xad lahayn. Qaadkii iyo sigaarkii wuu sii laba jibbaaray, haddana dukashadii wuu sii badiyey. Qabyaaladdii iyo murankii wuu ka sii daray, haddana waano iyo hadal waayeel ayuu soo kordhiyey. Habeen isaga oo cabbaar dan la’aan iyo niyadxumo la soo guureeyey ayuu damcay in uu furo albaabka gurigii cidlada ahaa ee uu degganaa. Dabadeed furayaashii ayaa dhulka kaga dhacay. Wuu soo qaaday oo mar kale damcay in uu furo, haddana waa ay ka dhaceen. Markii saddexaad ee ay ka dhaceen ayuu giddigii ku dul dhacay, wuxuuna bilaabay oohin. Murugo iyo caloolxumo ku gaaxday ayaa mar keliya ku wada godladay. Gammuunno oofaha kaga taagnaa uu u adkaysan jiray ayey waabaydoodu mar keliya jidhkiisa iyo naftiisa wada gaadhay. Sidii awr dhuunyeedhis ah ayuu cod naxdin leh oo foolxun sii daayey kaas oo dhismaha oo dhan laga wada maqlay.
Habar Iswiidhish ah oo albaabka kiisa ku beegan ku jirta ayaa daloolka ka eegtay, waxayna markiiba wacday bilayska iyada oo leh: ”Albaabkayga waxaa jiifa neygar sakhraansan ee kaalaya iga kaxeeya”. Laakiin ma ahayn neygar sakhraansan. Wuxuu ahaa nin soomaaliyeed oo ahaan jiray geeljir aad isula weyn, mar kalena ahaan jiray xiddigle bilays ah oo naftiisa u hanweyn. Wuxuu ahaa nin gumoobay oo ka mid ah ummad gumowday.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Saturday, June 8, 2019
Siirada Rasuulka: Dhalashadii & Barbaarintii Nabigeenna Mohammed SCW
Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.
Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.
Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.
Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday
Thursday, June 6, 2019
The Role Of Youth In The Future Society
A youth is any person between the age of 15 years and 30 years regardless of the gender. Unfortunately, the youth are the backbone of a society and hence they determine the future of any given society. This is because all other age groups, the kids, teenagers, middle aged and the senior citizens rely on the youth and expect a lot from them. This makes the youth to be an important age group in both today's society and the future society than other age groups.Therefore, due to the high dependence on youth in the society, we the youth have a role to play because the future of our families, communities a
Sunday, May 26, 2019
QIIMAHA NOLOSHA QOYSKA
Waxaa dhaqankeena ka maqan guud ahaan qiimaynta nolosha iyo fahamkeeda. Waxaa caadi ah inaan qofka Soomaaliga ah xirfad lahayn, isla markaasna uusan ka wal-walaynin ama uusan ku talagalayn nolosha soo foodsaari karto muddo yar kadib. Dabcan taasi waa dhaqanka miyiga iyo tacliin la’aanta oo isbiirsaday. Waxaa kalle oo ka mid ah, wax yaabaha inagu dhiiri galiyay xirfad la’aanta iyo shaqo la’aanta hantida iyo khayraadka waddanka Soomaaliya oo aad u badan, oo ka badan dadka ku nool dalka Soomaaliya. Taasi waxay keentay in si sahlan loo noolaan karo.
Waxaa badan inaan qorsho loo samaynin arimaha guurka. Wax la yaab leh ma ahan in wiil dhallinyaro ah haween badan guursado oo uu caruur ka dhalo isaga oo aan wax shaqo ah haynin ama aan ku fikirin. Halkaas waxaa wali shaqaynaya dhaqankii miyiga oo aan caruurta tarbiyaddooda iyo tacliintooda midna laga fikirin.
Xaasaska badan oo aan la qorshayn, xagga dhaqaalaha iyo awoodda kalle ee kaliya loo cuskaday faham la aanta diinta oo ah in ninka u banaantahay afar 4 naagood. Aragtida noocaan oo kalle ayaa waxay ka qayb qaadatay bur-burka iyo dhaqan hallawga umadda Soomaliyeed soo food saartay. Waa arin xasaasi ah oo aad nolosha tarbiyadda iyo tacliintaba u saamaysay. Waxay kalle oo saamaysay arintaasi xagga nafsadda xaasaska iyo caruurta laftigooda. Taas oo u soo gudubtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo caadi ka dhigtay. Dhaqanka xaasidnimada, masayrka iyo colaadda. Habe yaraatee wax qorshe ah iyo ku talagal xagga nolosha iyo tarbiyadda ciyaalku ma jiraan. Waxay keentay sidda hadda ummadda Soomaaliyeed tahay.
Qoyska Soomaaliga marna ma halin fursadda ah inuu siiyo ilmihiisa tarbiyad fiican. Maxaa yeelay tarbiyadda fiican waxaa saldhig u ah awood maskaxeed oo aqoon ku xiran iyo awood dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee qoys kasta waxaa dabeeci ah inuu ilmihiisa siiyo tarbiyo iyo tababarid nolosha ku saabsan marba inta awoodiisu la’egtahay. Waxyaabaha laga siman yahay oo qoys kasta oo Soomaali ah uu ku tarbiyeeyo ilmihiisa waxaa ka mid ah:
Cunugu marka ugu horayso wuxuu baranayaa luqada hooyadii iyo waalidkiis, sidda hooyada iyo aabaha. Dabcan, siddoo kale qaraabada kalle ee u dhow.
• Barashada iyo akhrinta quraanka kariimka ah. In cunuga dugsi la geeyo oo quraanka la baro waa lagama maarmaan. Waa waajib. Duruuf kasta oo jirta, dhaqaale daro, gaajo, jiro, wal-wal, wax kasta oo jira, inta badan qoyska Soomaaliga ah, way ka go’antahay inuu cunugiisa quraanka baro. Arrintaas barashada quraanka ku saabsan waa dhaqan aad u xeel dheer oo ay dadku qabsadaan. Waa shaqada kaliya oo aysan Soomaalidu cidkale ku halayn ama aysan ka dalban inay ugu kaalmayso.
Dhammaan dugsiyada quraanka iyo barashada quraanku waa hawl ay Soomaalidu qabteen oo ay iska xilsaareen. Halkaas waxaad ka garanaysaa sidda ay dhab u tahay una xeel dheertahay barashada quraanka Kariim ka ah.
• Waxaa kalle oo dhaqanku cunuga baraa si rasmi ah oo aan la gafi karin qabiilkiisa. Cunug kasta oo Soomaali ah waxaa la baraa qabiilkiisa iyo tafaasiisha qabiilka inta uu u kalla baxo, sidda uu isugu xeran yahay, xiriirka qaraabada iyo xuquuqada isirka, waxaas oo dhan cunuga Soomaaliga ah guriga ayaa laga baraa. Waxaa kalle oo la baraa darajada uu qabiilkiisu leeyahay iyo sidda ay muhiim u tahay inuu difaaco, u qiiroodo, u dhinto, iyo sida guusha qabiilkiisu u tahay isaga guushiisa, guul darada iyo jabka qabiilkiisuna u yahay isaga guul daradiisa iyo dhibaatadiisa. Taasi waa mid Soomaalidu ka simantahay.
Dardaarankaasna waxay u gudbiyaan cunug kasta oo ku soo biira bulshada. Wax qoomiyad la dhaho ama magaca guud ee Soomaaliyeed la dhaho lama baro cunuga mana jiraan qoosaska Soomaalida agtooda. Kaliya waxaa jira qabiilkooda. Waxaa kalle oo la baraa cunuga markii uu reerka ku soo biiro oo uu xoogaa koro cadawga qabiilkiisa kuwaas oo inta badan qabiilada kalle ee Soomaaliyeed ah. Haddii uu dugsigu yahay goobta tacliinta ee ugu muhiimsan dhaqanka Soomaalida, wuxuu u baahnaa ama xaq u lahaa in la hormariyo, laga wada shaqeeyo, kor loo qaado, la saxo, la isugu tago, manhaj loo sameeyo, waalidku ka qayb qaato, dawladu ka qeyb qaadato, illaa uu noqdo mid gudan kara u jeedadii laga lahaa, soona saara dad caafimaad qaba oo bulshada wax ku soo kordhin kara. Nasiib daro arintaasi ma dhicin, dugsigii lama hormarin. Manhaj wax barasho looma samayn, waalidkii siddii loo baahnaa uguma qayb qaadan, waxaa loo daaya macallimiin da’yar, oo aan la hayn aqoon iyo waayo arignimo ku fulin oo ay ku maamulaan dugsi caruur badan dhiganayso. Waxaa dhacay wax badan oo aan loo baahnayn. Wax yaabaha dhacay waxaa ka mid ah, in macallinku u fikiro wixii uu ardayga u sheegi lahaa. Taas oo uu u keeno, marba wixii uu soo maqlo, muxaadaro, nashiido, iyo macluumaad aan munaasab caruurta u tahay. Waxaa dhacay dayac aad u wayn, oo ka qayb qaatay dib-dhaca ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kalle oo dhacday inaan macallinka loo taba barin, siddii uu xilkiisa u gadan lahaa. Wuxuu la macaamalayaa caruur u baahan in nafsaddooda la dhooro, si fiican loo koriyo, si fiican loo tarbiyeeyo. Mar haddii uusan fikrad ka haysan siddii uu ulla macaamali lahaa caruurta, waxaa dhacda in macallinku ku guul daraysto inuu si fiican u tarbiyeeyo caruurta. Inta badan macallimiintu way cadaadiyaan, dilaan, handadaan, ciqaabaan caruurta. Taasi waxay keentay in xiriirka caruurta iyo dugsigu noqdo mid aad u cakiran, oo caruurtu ay ka naxaan marka dugsiga loo diro. Had iyo jeer dhib wayn ayaa kalla haysta hooyooyinka oo ku dhagan barashada quraanka iyo caruurta oo dugsigii iska soo taagay ama ka baqaya macallinka.
Gaar ahaan xilligaan hadda la joogo oo ay caruurtu isticmaalaan wax yaabo badan oo wakhtigooda dhumiya. Sida Tv-ga ispoortiska, ciyaaraha iyo waliba tacliinta kalle ee iskuulka. Xaaladaas oo aan helin cid dib u habaysa ama nidaamin ku samaysa, waxay ka dhigtay dugsiga ciqaabkii ugu darnaa ee ciyaalka soo mara. Arimahaas aan soo sheegnay oo dhan awgood lama helin muhimmaddii iyo dantii laga lahaa dugsiga oo ahayd inuu soo saaro dad wanaagsan oo Alle caabuda, waalidka xaq dhawra, dariska nabab galiya, si fiican u fikira, dadka kalle jecel. Wax soo saarka dugsigu wuxuu noqday mid aad u tayo yar marmarna keena dhibaatooyin ka badan kuwii uu xallinayay. Arintaasi waxay u baahantahay in dib loo fiiriyo, si deg-deg ahna wax looga qabto. Waxay u baahan tahay in la cintiraafo oo la sharciyeeyo dawrka tacliinta dugsiga quraanka oo la dhamaystiro wixii uu u baahnaa oo dhan, isla markaasna ay xil iska saaraan waalidiinta, siyaasiyiinta, macallimiinta iyo dhamman mujtamaca.
Waxaa kale oo ayaduna dhib wayn noqotay, is waafajinta labada iskuul. Iskuulka nidaamiga ah ee dawladuhu cintiraafsan yihiin iyo iskuulka dhaqanka ah ee mujtamacu cintiraafsan yahay. Taariikhdii wax barashada ee Soomaaliyeed labadaas iskuul isma cintiraafin, ismana tixgelinin. Waxay ku dirrirayeen ardayga iyo wakhtigiisa. Dawladdii iyo xirfaddii shaqadu waxay rabtaa iskuulkaan nidaamiga ah ee la aqoonsanyahay. Diintii iyo dhaqankii iyo waalidkiina wuxuu rabaa iskuulkaan kalle ee quraanka lagu baranayo. Dawladdii iyo waalidiintii way awoodi waayeen inay is waafajiyaan oo ay mushkuladaas xalliyaan. Cid walba horteeda ayey u socotaa dagaalkii labada iskuul wuu daa’imay. Wuxuu noqday joogto. Waxaa noqday dhibanaha rasmiga ah ardayga.
Maalintii oo dhan markii uu jirro Iskuulkii dawlada oo uu goor dambe ka yimaado isaga oo aad u daalan isla markaba waxaa guriga ku sugaya hooyo oo aan kaftamayn. Iskuulka dawladda iyo waxa laga soo barayna aysan u oollin. Markaa ayay cunugii u diraysaa dugsigii quraanka oo uusan xifdin casharkii horre, subaciina sugayo. Natiijadii waxay noqotay tayo xumo labada iskuulba. Inaan midna ardaygii si fiican ugu guulaysan illaa markaasna ardaygii uu qaaday colaad iyo cuduro nafsi ah oo ka dhashay wareerka badan, nasiino la’aanta, ciyaar la’aanta, canaanta badan, culays badan oo labada iskuulba ah. Halkaas ayaa waxaa ka dhashay, xagga seeg xaggana seeg. Da’yar dayacan oo wareertay oo daroogo iyo qaad naf ka raadisay iyo iskuulka oo laga dhaco oo aan lalla tartimi karin ardaydii kalle.
Halkaas waxaa inooga yimid khasaare aad u wayn. Runtii mujtamacu wuxuu ku guul daraystay wax kasta oo ay ka mid tahay dowladnimo, maamul, siyaasad, tarbiyo, tacliin wax kasta. Wax kasta oo ay ugu horayso tacliinta iyo tarbiyadda waxay u baahantahay in dib loo saxo. Sidaas iyadoo ah wali bulsha weynta Soomaaliyeed waa kuwa tacliinta haysto oo ay ugu horeyso diintooda Islaamka..
QALINKII USTAAD BILAAL CISMAAN IIMAAN

Saturday, September 30, 2017
DUGSI MA LEH QABYAALADI
Gabaygan mid aad u qiimo iyo qadarin badan markii ay timaado. suugaanta soomaaliyeed, waayo waa mid ka hadlaaya xaqiiqda dhabta ah ee qabyaalada, sharax iyo tusaalooyin wanaagsana ugu filan ruux waliba oo soomaaliyeed kuna jaha wareersan waxa ay qabyaaladi tahay, daneynayana in uu naftiisa u horseedo dariiq ka duwan kan qabyaalada.
Gabayga waxaa curiyey Illaahay ha u naxariistee Abdullaahi Suldaan Timacade (1967), isagoo tusaalaynaayey soomaalidii joogtay xilligii gobonimada iyo agagaar keeda dawxumada qabyaaladana wuxuu yiri:
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama, iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane...
Ku xidhnoow blogerkan si aad u hesho aqoon iyo Suugaan...

Subscribe to:
Comments (Atom)
1xbet affliate lacag ka samee
https://refpasgqhrwl.top/L?tag=d_1168677m_1573c_&site=1168677&ad=1573
-
Nin Gumoobay by Ibraahin Yuusuf Axmed Juun, juun, juun. Qofka bisha juun Iswiidhan soo galaa wuxuu moodayaa janno. Kaymuhu cagaaranaa! D...
-
Gabaygan mid aad u qiimo iyo qadarin badan markii ay timaado. suugaanta soomaaliyeed, waayo waa mid ka hadlaaya xaqiiqda dhabta ah ee qaby...