WAAYO ARAG WAA KII MUDAN IN LA DHAGAYSTEE, DHAGTA U RAARICI….
Bari
hore Boqor caadil ah ayaa waxaa uu dhalay inan keliya, boqorkaas oo jeclaa in
inan-kiisuu dhaxlo oo si marka uu dhaxlo sumcadiisa aan loo oran Aabbihii ayaa
dhaamay keliya, balse la yiraahdo waddadii aabbihii buu qaaday, si taasi u
dhacdo boqorkii wuxuu u diray inan-kiisi nin indheer-garard ah si uu wax u
baro.
Indheer-garadkii
inankii si fiican ayuu u soo dhaweeyey, isaga oo aad uga dhisay dhinaca
aqoonta.
Dabadeed
indheer-garadkii maalintii ugu dambaysay ee ay wada kulmaan inan-kii boqorku
dhalay ee uu ugu keenay inuu waxbaro, ayaa waxa dhacday maalintaasi inuu si
sabab la’aan uu aad u garaaco oo waliba si ba’an u jirdilo
Inan-kii
oo aad uga xumaaday sabab la’aanta loo garaacay iyo orodoo ka hor dhaqaaq
wajigayga oo loogu daray ayaa ku laabtay qasrigii Aabahii inan-kiina waxba uuma
sheegin Aabahii oo wuxuu ka baqay aabahii inuu rumaysan waayo.
Dabadeed,
muddo dheer kadib, waxa dhintay boqorkii oo waxaa dhaxlay inan-kiisi, kadib
inankii boqorka noqday wuxuu u yeeray ciidammadiisi gaarka ah-polisiya
milataare wuxuuna ku yiri: waxaad tagtaan tuulo hebla, waxaad waydiisaan ninka
layiraa hebel, hebel, oo haddaad la kulantaan ii keena sidaasi ayey ku
dhaqaaqeen askartii kuna tageen tuuladii loo diray, kuna soo kaxeeyeen
odaygii.
Odaygii
markii la horkeenay boqorkii yaraa ee Aabahii dhaxlay wuxuu odaygii ku yiri:
Oday-yahow ma igaranaysaa kumaan ahay? Odaygii wuxuu ku jawaabay, "Haa
sidaanan kuu garanayn miyaanad ardaygii ahayn". inankii boqorka
noqday ee Aabahii dhaxlay aad ayuu uga carooday arrintaasi, balse mar kale
isagoo madaxa ruxaya, wuxuu ku yiri odaygii; " Yaah waliba waad i xasuusan
tahay soo ma aha oo waxaan ku waydiiyey maxaad maalintii iigu kaa dambaysay aad
sabab la’aan si ba’an anoo waxba galabsan ii gugaraacday" Odaygii wuxuu
boqorka yaraa ugu jawaabay: Waa runtaa si ba’an ayaan kugu xadgudbay.
Odaygii
isaga oo hadalkiisi sii-wata waxa uu ku yiri, madaama ay ahayd ujeeddada
aabahaa, oo nin wanaagsan ahaa ii kaa keenay ay ahayd inaan aad ugu dadaalo
tarbiyadaada waxaan aad ugu dadaalay inan wax kasta wax ka baro.
Inankii
boqorka noqday ayaa Odaygii hadalkiisi hakiyey oo ku yiri: in dadka layska
garaaco oo waliba karbaash lala-dhaco ma wax la bartabaa ama dadka lagula
dhaqmo?
Odaygii
indheer- garadkaa ahaa, inta uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri: Waad ku hagaagsan
tahay sida aad tiri ka dib markii aan u arkay casharo badan oo aad nolosha iyo
waaya-aragnimadeeda aad uga bahnayd, in aan ku siiyey iyo anigoo kuu arkaayey
inaad maalin aabahaa oo shakhsi wanaagsan ah dhaxlidoontid .. Maalintii iigukaa
danbaysay casharka aan kugu yaboohay wuxuu ahaa kii ugu mihiimsanaa ee aan ku
siiyey, waa kii aabahaa ku hayey muddadii dheerayd ee uu xukunka hayey dadkuna
ku jeclaadeen,adigana waa ka xukunkaaga soo dadajin kara siina dheerayn kara,
waxaan sabab la’aan karbaashka kuula dhacay, waxaan doonayey inaan ku
dareensiiyo foolxumada dulmigu leeyahay iyo inaanad cidna dulmin. Boqorkii
yaraa, wuxuu madaxa ka dhunkaday odaygii wuxuuna ka dhigtay la taliye. Wuxuuna
mar walba u hanqaltaagi jirey inuu ka helo waayo aragnimo dheeraada.
Odeygii
boqorkii yaraa wuxuu ku gargaaray inuu noqdo waayo arag iyo nin boqora oo
caadil ah.
Sheekadani
waxaynu ka qaadanaynaa in aan laga maarmin waayo-aragnimada iyo dhago u
raaricinta dadka waayeelka ah.
No comments:
Post a Comment