Sunday, June 28, 2020

GABAY TUBSAN

TUBTA-TOOSAN (GABAY)



Tada gabayga waataanan tirin maalimihi tegeye
Kuma taagsan maansadaan toosinjirey waaye
Toolmoone gabay waanigii laabay tuducdiise.
Hayeeshee tilmaamaha aduun galaba waa toore
Uumiyaha tan kugu xeeraniyo waaqicaa tabine
Inaad talo abwaan dhiibataa waa tu' waajiba e.
Tixahaygu waa mawjadiyo togag mahiigaane
Waa hirar isdaba tiicayiyo tooxanow warane
Marna waa tilmaan hadal fogiyo hoga tusaalayne
Carro togan hadii tumay yar iyo magay ku tiixtiixo
Taacugiyo dhurbihi baa bixiyo toban kunoo geede
Waxse kama taraan tiinka iyo tuur caraalaha e
Tusaalaha an sheegiyo hadaan hadafka tiigaalo
Talada iyo waanadi rabbigen inaku taamyeelay
Dadbaa xumaha taageer noqdaan looga taag heline
Towbiyo anfaaliyo baqriyo suuradaha toosan
Bogag wada tamilan aayadaha tirada miisaaman
Jusaskoo ku taxan iyo xisbiga toos isugu aadan
Xarfo kaligo taag-taaganoon laba tafsiiraynin
Tilmaantiyo macnaha ay wataan aan la tibo gaarin
Waa tilmaamo Eebbaha xaqaa nagu tusaalayne.
Axaadiista togan iyo sunnada la isku taamyeelay
Toogashada qofkii ruux diliyo tuugo gacan goynta
Murtadkii ka tegey diinta iyo gaala turuq goynta.
Intaasoo tusaaaloo sharcigu meel isaga taagey
Ninka inuu tirtiro doonayoo tiisa nagu oogo
Shaydaan inuu toosh u yahay talafku saw maaha.
Heesaha ninkaw taahayoo tumasho xeelaystay
Inuu toban hablaha guursadana gole lasoo taagan
Inuu talo ibliis eersaday saw tu runa maaha.
Shanta tiir islaam iyo lixdiyo tirada iimaanka
Umadaa kuwada toosanee qirya towxiidka
Gaalnimo in lagu tuuro saw talo ibliis maaha.
Ninkii diinta labo tuduc bartoo tiro kitaab meersha
misna aan tamilin xeerarkiyo tixaha miisaanka
Culimada inuu tiigsadaa tala xun soo maaha.
Tiintiin nin beeriyo ninkii timir abuuraaba
Qofwaliba wuxuu turuqsadaa tuurta loo surine
Tubta toosan waa inan marnoo tacab samaynaaye.

#Maxamed Cabdinuur Garyare

No comments:

Post a Comment

1xbet affliate lacag ka samee

https://refpasgqhrwl.top/L?tag=d_1168677m_1573c_&site=1168677&ad=1573