MAANSO CURINTU WAA HIBO.
In aanay sinaan karin ruuxa maansadiisu tahay mid hibo hide keentaya iyo kay tiisu tahay gurdan raac hawliyo barasho ah, waxaa heego inoogu maraya meerisyadan laaxiboon ee aan ka soo goldooxay tix la yiraaho Joog Hadeerba oo uu tiriyey Abwaan Xasan Bulxan Cali. Ciduu doonayaba abwaan ha u hanjabaye tixdu waxay ahayd mid goodis, haseeyeeshe wuxuu abwaanku tuducyada inoogu manqaxaya in jookhiyo sharafteedu fadhido ruuxa Idimka Eebe hibada hiddeed loo siiyey, ayna xikmad(murti) curintu tahay mid hoos jirta oo laftiyo dhuuxa ku aroorsan oo aan la iska soo dhuran karin. Abwaan Bulxan wuxuu yiri:-
❀Jarka booddo maahee xikmadi waa, wax hoos jira e
❀Jabqan xaraf jacburiyuhu ismood, jaamicii sara e
❀Hidda jiidashaa lagu dhaxlaa, gabayga jaallow e
❀Jubuqtaamin geed lalama tago, tuura kala jeede
❀Jidbaysanaha suugaanta jecel, garanna jiibteeda
❀Jeeqaaqe aan kala aqoon, tubaha loo jeexo
❀Jabqis badanle waxaan jirin sawire, jaantus kala nooca.
❀Jumladiyo naxwaha kaa khaldani, leexi jihadiiye.
❀Jirdin xarigga kaa soohayow, waan ku jaad garane.
No comments:
Post a Comment