Tuesday, April 27, 2021

Qaybtii labaad…sheekadii DAD IYO DUUNYABA HAYAAN...


Cantara waxay dejisay sidii ay uga haajiri lahayd halkan. Hu' geeda wixii u dhawrnaa iyo wixii kale ay kusii darsan kartaba waxay ku ridatay Kiish, ama harqad. Nooca barkimaha lagu dahaadho. dharkeedi ku guratay kiish harqad hariiryo leh taasoo aabeheed si khaas ah loogu geliyo Barkinta habeenada gaarka ah. Iminka Waa diyaar inay baxsato. Habeenkii saddex meeloodow labo daloo iyo badh baa tagay. Si aan sanqadh lahayn, oo dhuumasho ah ayay guure u gashay dhankaa iyo magaalkii dhankii uu kaga beegnaa. Guure dheer oo muure muureyn badan, ayay habeenkoo idil dabad haysay. Maaha qof ka baqaysa bahalaha. Sida dhurwaaga iyo wixii la awooda. Dhanka kale cabsi libaax iyo mid bahal kaloo u dhigma kuma jirin waayo deegaankani laguma aqoon. Waa barigu marku soo dhawaa ee ay himbiriirsi arag ku itaalayso bidhaantay damacdo inay aragto, ayaa waxa u muuqday tuulo u dhaw halkay xalay kasoo kicintintay. Cid ka garanmayso. Suaalo badan bay is weydisay. Yaad utagaysaa? Cidaad hadda u tagto oo sooba jeeda maxaad odhan? Ceebtaad ma baxsad baan ahay?. Maya. Waxaan ahay gabdh magaaladi weynayd u socota oo bugto darteed loo soo diray. Bugto aan hayn waayay b!n la guurayn baan odhan. Gawaadhida jarmaadada ah igu tuura, si aan dabiib fiican uga gaadho. Sidaa ayaan go'aan saday.

  Hadalku isagaa isu badane Cantara waaba qof qallalan oo caato aada. Ciddi aragtaaba  odhanayso tani waa xanuunsanaysaa. Laakiin waa siday u tahay dhalan. Sidaa awgeed niyaday isugu dhistay muuqaalkaaga ayaa beenta aad sheegayso kaa caawin doona. Hadayba soo gashay guryihii koonaha waxay aragtay gabadh gashaanti ah oo shidaysa dabkii ay quudka subaxnimo ku karsan lahaayen. Tarraq ayay shidaysaa oo garbasaarteedii ayay u huwatay si ay uga celiso hawada. Si lama filaan ayay dhahday CANTARA nabad ma sheegteen? Inatii intay naxday ayay si dhakhso ah usoo fiirisay isagana qaaday maraday u huwanayd shiditaanka dabka. Weliba iyadoo naxsan. Oo qalbiga iska weydiinaysa ‘’ma jin baa insigii hadda waa hurdaaye waxam kugu soo waa bariistay’’. Wayse aragtay inay gabdh tahay. Shaydaanka iyadoo naaraysa ayay dhahday.’’ Nabad intaan warkeeda hayno’’

CANTARA ayaa hadalkii u baxday oo dhahday ‘’waxaan u socdaa magaaladii, cidna kama garanayee walaalo inta gaadhigu imanaayo meel aan ku sugo ma idinka helayaa..’’ gabdhii aya dhaday haa walallo. Oo geysay gogoshii xasiiga ahayd ee hadda kaso kacday. CANTARA waa yara fadhiistay. Hal cabaara kabcdi iskala bixisay. Mise waaba tabcaano caawa dhan guuro bahalayn ahayd hurdo ayay la dhacday.. Si kedis ah ayaa habarti gurigu madax yara qaaday. Mise gabdhay tiri dabka shidba waa hurudaa.. intay kacday oo si cadho leh.....

la soco qaybaha danbe....

qalinki:- Ustaad Bilal Osman

No comments:

Post a Comment

1xbet affliate lacag ka samee

https://refpasgqhrwl.top/L?tag=d_1168677m_1573c_&site=1168677&ad=1573