Sunday, April 25, 2021

SHEEKO FANEED. DAD IYO DUUNYABA HAYAAN.

DAD IYO DUUNYABA HAYAAN….
Wuxuun baa qalbigayga ka guuxayay ayaamo. Dharaaro cunto igama deign. Xalka naftayda ma hayo. Afar godol quud afkaa ma gelin. Cunto cayn walba guriga waa yaal. Oodkaca, subaga, jabdhanka iyo weliba caano gadhoodha,lkn waxaasi daah baa iga saran.  Degaanka aan ku noolahay oo dhan baa  diiqad iga haysaa. Xal hadaan raadiayay waxan arkay, naftanoo u muhanaysa degaalka magaalada oo kasoo horjeedsatay beledkan baadiyaha ee an noloshayda ilaa SINDHEER aan kusoo gaadhay.

Kolkaan kurayda ahaa waxaan la dhacsanaa nolosha baadiyaha. Magaalada xataa kii ka yimaada sheekadiisa ma jeclayn. Belo waxay I asiibtay kolkaan ahaa TIMOTIDCAN. Oo ahayd kolkaan isu arkay inan ahay malaha gabadh awr qaad ah.  Markaas waxaan u hinqaday inan raga isoo hoolan doona aan midkayga ka baadho. Kii I qanciya aan malahayga aan u arko inuu aayatiinka danbe ila baxsan karo, maadaama wakhtigu adagyahay. Maalinba hawl addun uun baa na sugaysee. Mar aan dameero dhaana daba galo. Iyo maraan riyaha buurah iyo kaymaha uga qabceeyo, iyo kol kola an aqalka quutul daruuriga ku diyar gareeyo.

Tan iyo ilaa haatan oo an sindheer marayo ayaan kusoo gaadhay maalinba ayni gaara inaan ku waabariisanno. Hadaba haatan saluuga ba’an baa iga galay nolosha noocan aan ku jirnoo ee taala halkan. Waa nolol ma qadaa ma dhargaan ah. Waxaan ahay socod. Hadab tolow waa su’aal mesha ku jirtee xagee naftan loo wadaa. Kolay halkan meel uun dhaanta ayaan malahayga ka helayaa inaan uga digo rogto. Si aan u helo nasasho nafeed iyo meel uun dadku sheeko igu soo gaadhsiyay…

Laso qaybaha danbe

Waxaa qoraalkan igu dhiirri galiyay walaalkay  Mohamed H Dhakawe

Qalinkii:-  Ustaad Bilaal Cismaan Iimaan

1 comment:

1xbet affliate lacag ka samee

https://refpasgqhrwl.top/L?tag=d_1168677m_1573c_&site=1168677&ad=1573